Madax-adayga ubadku wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka ku habsada waalidiinta qaarkood markay la macaamilayaan ubadkooda, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in la ogaado sababaha keena iyo sida loo daaweeyo.
Waxaana jira talooyin ay tahay in ay maskaxda ku hayaan waalidiitu marka ay la macaamilayaan ubadka madaxa-adag
- In laga fogaado amarada tooska ah,
- In la amaano oo la dhiirigaliyo
- In aynaan la barbardhigin ubadka kale
- In loo-la sheekaysto si dabacsan, loogana warramo waxa ay tahay inuu sameeyo.
- Inaan lagu degdegin markuu qaldamo, balse ay tahay in wakhti lasiiyo, kadibna si dagan loo-la hadlo loona waaniyo.
- In waalidku uu noqdo mid dhaqan wanaagsan leh, si ay ubadku ugu day-daan.