Ilmaha lagu qayliyo ama ilmaha sida joogtada ah qayliyo waxa ay keentaa dhaawac maskaxeed, ilaa heer maskaxda qaybo ka mid ah ay cabir ahaan yaraadaan.
Dhibaatooyinka ama dhaawacyada ilmaha soo gaara waxaa ka mid ah:
- Xusuusta ilmaha oo yaraata: Wuxuu noqdaa mid aan waxba xasuusan karin oo xataa maalmaha iyo wakhtigu isaga khaldamo, wax kastana horay ka ilaawa. Waxaa sidoo kale ku adkaata waxbarashada oo qayladu waxa ay keentaa damiinimo.
- Waxaa yaraada dareenka ilmaha: Waxaa ka taga farxada, waxaa ku bata cabsida, badanaana waa isku kaadshaa habeenkii ilmaha lagu qayliyaa. Waxaa sidoo kala uu lumiyaa naxariista. Waxaa isku qasma garashadii la doonayey inuu u lahaado dareemada kala duwan ee aan dareeno; sida farxadda, naxdinta, cabsida, murugada, walwalka iyo wixii la mid ah. Wuxuu noqdaa ilmo dhoohan oo aan inta badan waxba dareemayn.
- Wuxuu noqdaa ilmaho u dhaqma qaab waali ah: Wuxuu noqdaa qalqaali, wuxuuna ku jiraa orod iyo carar aan jiho lahayn.
- Wuxuu noqdaa ilmo dhaga-adag: Tan waa calaamada kowaad ee lagu garto, haddii aad aragto ilmahaaga inuusan ku maqlayn oo waxba kaa qaadanayn, waxaa cad inaad ku qayliso oo maskaxdiisu ay is xirtay, ayna adag tahay inay furanto oo uu wax kaa maqlo.
Talo soo jeedin:
- Sina ilmahaaga ha ugu qaylin oo si dagan wax ugu sheeg. Waxa aad u sheegaysana u sababee oo ka daadaji. Caruurtu waxa loo sababeeyo oo laga daadajiyo oo ay macquul u arkaan waa ay qaataan.
- U ogolow inuu cayaaro ilmahaagu, lana ciyaar maalin kasta wax yarna ha ahaatee.
- La sheekayso maalin kasta oo uga jawaab su’aalaha badan ee uu ku weydiiyo. Waa muhiim inaad jawaabo sax ah ka siiso su’aalaha, waayo wax buu ka baran.
Ilmaha lagu qayliyo ama si guud dilka iyo qaylada badan waxay dhaawacaan maskaxda ilmaha yar ee koraya ee ka ilaali fadlan. Ilmahaaga ha u sababin xanuunada dhimirka ee qarsoon.